Puntland oo gacanta ku dhigtay koox xiriir la leh Burcadbadeeda

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen kooxo looga shakisan yahay burcad-badeednimo, kadib howlgallo amni oo laga sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha burcad-badeedda ah ee ka howlgala xeebaha Puntland, xilli ay soo kordhayaan walaacyada la xiriira weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha Soomaaliya iyo Badda Cas.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in dadka la qabtay lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakado burcad-badeed ah oo ku lug leh afduubyo iyo weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga, kuwaasi oo muddooyinkii dambe dib uga soo muuqanayay xeebaha Soomaaliya.

Taliyeyaasha booliska gobolka Karkaar ay la baxday Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedda iyo cid kasta oo lagu tuhmo inay taageero siiso.

Waxay sidoo kale digniin adag u direen shacabka, iyagoo sheegay in qof kasta oo lala xiriiriyo taageeridda ama la shaqeynta kooxaha burcad-badeedda uu wajihi doono tallaabo sharci ah.

“Waxaan tallaabo adag ka qaadi doonnaa cid kasta oo ku lug leh taageeridda falalka burcad-badeednimada,” ayay sheegeen saraakiisha booliska, kuwaasi oo xusay in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad kadib marka la soo gabagabeeyo baaritaannada socda.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacday cabsi laga qabo dib usoo laba kacleyn ku timaadda burcad-badeedda Soomaalida, kadib dhacdooyin dhowr ah oo la xiriiray afduubyo iyo weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay marinada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidanka NISA oo kala dhex galay Maleeshiyaad ku dagaalamay Gaalkacyo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee...

RW Xamsa oo kulan la qaatay gudduga Qaran ee Maareynta Khataraha masiibooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre,...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad maraiiyay heshiis muhiim u ah Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir...

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi oo weerar qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo weerar...

Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles