Friday, February 27, 2026

Puntland oo heshay Aqoonsiga Sacuudiyan ka tirsanaa Daacish

Aqoonsiyada xubno Ajaaniib ah oo ka tirsan Daacish, ayaa laga helay qaar kamid ah Talisyada iyo goobaha kale ee lagala wareegay kooxda oo ku yaalla buuraha Cal miskaat ee gobolka Bari

Ragga aqoonsiga la helay waxaa ku jiraan nin u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo magaciisa la yiraahdo Al howshaami.

Ninkan waa 21 jir sida ku xusan baasaboorkiisa waxaa uu ka soo degay Addis ababa 18kii Disembar ee sanadkii hore isagoo safar dhulka ah oo ku galay buuraleyda gobolka Bari halkaasoo uu kaga biiray Daacish.

Sidoo kale ninkan ayaa watay kaarka lacagta lagula baxo ee VISA CARD iyo dokumentiyo kale.

Ciidamada Puntland oo kaashanaya dayuuradaha dagaalka Mareykanka ayaa maalmahan howlgal culus ka wada buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari kaasoo ujeedkiisu in goobahaas looga sifeeyo xoogaga Daacish oo fariisimo ku leh aagagaas.

Puntland ayaa guulo la taaban karo ka gaartay howlgalka oo muddo dheer laga soo shaqeynayey inkastoo weli hogaanka iyo saraakisha sare ee kooxda Daacish ay ka ka dagaalamayaan qeybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Cali Balcad oo muxuu ka yiri shir looga hadlay Qadiyada Falastiin ee ka dhacay Sacuudiga

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar...

Daa’ud Aweys “Taageerada Turkiga waxay xoojisay dagaalka Al-Shabaab”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac...

Burcad-badeed ku fashilantay afduub dooni Iiraan laga leeyahay oo ka dhacay xeebaha Eyl

Koox burcad-badeed ah oo ka baxday deegaanka Maraya ee...

Golaha Mustaqbalka iyo Shirka Difaaca Dastuurka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Golaha Mustaqbalka oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha kala...

Ciro oo ka hadlay aqoonsiga Israa’iil iyo dagaalka ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles