Friday, April 3, 2026

Puntland oo qaylo-dhaan ka soo saartay abaar ba’an oo saameysay in ka badan hal milyan oo qof

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in deegaannadeeda ay ka jirto abaar aad u daran oo saamaysay dad ka badan hal milyan oo qof, kuwaas oo ku nool gobollada Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Raasicasayr, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyas Osman Lugatoor, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, ayaa jeediyay baaq degdeg ah oo ku saabsan xaaladda abaarta, isagoo sheegay in kumannaan qoys ay wajahayaan xaalad adag oo ay ka dhalatay biyo la’aan, daaq la’aan iyo hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha xoolo-dhaqatada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka in ay si degdeg ah u soo farageliyaan, si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada ay abaaruhu halakeeyeen.

“Xaaladda abaarta waxay maraysaa heer ay u baahan tahay gurmad bini’aadantinimo oo degdeg ah, waxaana codsaneynaa in laga jawaabo baaqan inta aysan xaaladdu kasii darin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Lugatoor.

Puntland ayaa sheegtay inay waddo qorshayaal lagu xoojinayo gurmadka gudaha, balse ay dadaalkeeda ku koobnaan doonaan inta ay heli karto taageero dheeri ah oo caalami ah, iyadoo abaartu ay sii kordheyso toddobaadyadii u dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

390 Xildhibaan oo lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho

390-ka xildhibaan ee goloyaasha deegaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hidise sharciyeedyo baaqna ka soo saaray Colaada gobolka Awdal

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Wafdi culus oo hor u dhac ah u MW Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku qul qulaya Wafuud ka...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo hoggaamiyaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles