Sunday, December 28, 2025

Puntland oo qaylo-dhaan ka soo saartay abaar ba’an oo saameysay in ka badan hal milyan oo qof

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in deegaannadeeda ay ka jirto abaar aad u daran oo saamaysay dad ka badan hal milyan oo qof, kuwaas oo ku nool gobollada Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Raasicasayr, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyas Osman Lugatoor, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, ayaa jeediyay baaq degdeg ah oo ku saabsan xaaladda abaarta, isagoo sheegay in kumannaan qoys ay wajahayaan xaalad adag oo ay ka dhalatay biyo la’aan, daaq la’aan iyo hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha xoolo-dhaqatada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka in ay si degdeg ah u soo farageliyaan, si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo duunyada ay abaaruhu halakeeyeen.

“Xaaladda abaarta waxay maraysaa heer ay u baahan tahay gurmad bini’aadantinimo oo degdeg ah, waxaana codsaneynaa in laga jawaabo baaqan inta aysan xaaladdu kasii darin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Lugatoor.

Puntland ayaa sheegtay inay waddo qorshayaal lagu xoojinayo gurmadka gudaha, balse ay dadaalkeeda ku koobnaan doonaan inta ay heli karto taageero dheeri ah oo caalami ah, iyadoo abaartu ay sii kordheyso toddobaadyadii u dambeeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles