Thursday, July 2, 2026

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo mar kale mudeeysay dhageysiga kiiskii dilka hooyo iyo saddex gabdhood

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa mar kale mudeeysay dhageysiga dacwaddii ciqaabta ee loo haysto saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay dilka hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Qaayiib ee gobolka Galgaduud, 9-kii Oktoobar 2025.

Eedeysanayaasha lagu magacaabo Cabdi Cusmaan Cabdullaahi, Ayuub Maxamed Cabdi, iyo Galad Axmed Xuseen ayaa lagu eedeeyay in ay si arxan darro ah u dileen hooyo Safiya Daahir Welhiye iyo saddex carruurteeda ah, falkaas oo gilgilay bulshada deegaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhageysiga kiiskan la qaban doono maalinta Arbacada 12-ka Nofeembar 2025, saacadda 09:00 subaxnimo, iyadoo amartay in la keeno eedeysanayaasha si ay uga soo qayb galaan fadhiga dacwadda.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay farriin u dirtay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee DGGM iyo qareennada difaacaya eedeysanayaasha, si ay u hubiyaan joogitaanka maxkamadda waqtigaas la cayimay.

Kiiskan ayaa ka mid noqday kiisaska ugu culus ee dhawaanahan la horkeeno maxkamadaha Galmudug, waxaana bulshada deegaanku si dhow isha ugu hayaan go’aanka ay Maxkamadda Racfaanka kasoo saari doonto dhageysigan soo socda.

WARARKII KALE

Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo taageerada howlgalka AUSSOM dhammaadka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u sheegtay inay...

Shixnad la sheegay inay Israa’iil ka timid oo soo gaartay Muqdisho

Warbaahinta laga leeyahay Lubnaan ee Al-Mayadeen ayaa baahisay warbixin...

Mareykanka iyo Sacuudi oo isku khilaafay dagaalka Iran

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles