TPLF oo ku eedeySay Itoobiya in ay diyaarado dagaal ku qaaday xarumo ay ka howlgalayeen maleeshiyaadkooda

Ururka TPLF ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Itoobiya inay ku xadgudubtay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii gobolka Tigray, kaddib markii ay sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leedahay dawladda Itoobiya ay weerarro ku qaadeen xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno iyo dad rayid ah, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo TPLF ay soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarradan ay caddeyn u yihiin in dawladda Itoobiya aysan ku dhaqmeynin qodobadii lagu heshiiyay, iyadoo xiisad cusub oo u dhexeysa maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray iyo TPLF ay sii kordhayso.

Dhinaca kale, wargeyska Addis Standard ayaa markii ugu horreysay ka digay suurtagalnimada in dagaalkii Tigray dib u qarxo, isaga oo tilmaamay in xaaladda hadda taagan ay u baahan tahay dhexdhexaadin degdeg ah si looga hortago in dalka Itoobiya mar kale galo colaad hor leh.

Sidoo kale, ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in beesha caalamka ay si dhow ula socoto xaaladda, gaar ahaan Midowga Afrika oo la filayo inuu ku baaqo kulan degdeg ah si loo xoojiyo heshiiskii nabadda ee Pretoria.

Dowladda Federaalka Itoobiya wali kama aysan hadal eedeymaha TPLF, hase yeeshee saraakiil ka tirsan dowladda ayaa horey u sheegay in ay sii wadi doonaan “ilaalinta amniga dalka” iyo “la dagaallanka koox kasta oo khatar ku ah xasilloonida qaranka.”

WARARKII KALE

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles