Qaramada Midoobey oo farriin culus kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii u dambeeyay ee dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaridka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu soo dhoweynayo dadaallada labada dhinac ay ku doonayaan inay wadahadal ku gaaraan is-afgarad la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Qaramada Midoobey ayaa ku boorrisay Dowladda Federaalka iyo mucaaridka inay sii xoojiyaan wada-xaajoodyada si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada kala duwan, islamarkaana horseeda doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka qabsooma.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xasilloonida siyaasadeed iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda ay laf-dhabar u yihiin amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, xilli dalku wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah.

Wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa yimid xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee dalka.

Qaramada Midoobey ayaa hore dhowr jeer ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan wadatashiga iyo heshiiska siyaasadeed si looga fogaado khilaafyo saameyn ku yeesha geeddi-socodka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles