Monday, April 6, 2026

Qaramada Midoobey oo shaaciyey lacagta sanadkan ay ugu talo galeen maamulka Puntland

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada Puntland.

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland.

Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale looga warbixiyay kulankii shalay Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu qoraalku ka soo xigtay James Swan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles