Thursday, May 21, 2026

Wararkii U Danbeeyay Dhaawaca Soo Gaaray Donald Trump

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gelinki danbe ee shalay sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania.

Trump waxay rasaasta kaga dhacday qeybta sare ee dhagtiisa midig, waxaa la toogtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania.

Laba xabbadood ayaa la maqlay, kaddibna waxaa xigay rasaas u muuqatay jawaab. Markiiba waxaa hadalkii joojiyay oo qoorta qabsaday kaddibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay.

Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn.

Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin.

Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama.

Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan. Dhacadadani ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay sii murjiso loolanka madaxtinimo Mareykanka ee awalba adkaa.

War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.

“Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.”

Madaxweyne Biden oo ku sugnaa gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware marki uu weerarka dhacayay ayaa soo gaabiyay joogitaankiisa halkaasi, kuna soo laabanaya magaalada Washington D.C.

Hay’adda dambi baarista gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay la wareegi doonaan hogaaminta baaritaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump.

Xeer Ilaaliyaha Guud Mareykanka Merrick Garland ayaa isna sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Galbeedka Pennsylvania iyo waaxda amniga qaranka ee waaxda cadaaladda ay sidoo kale ku biirayaan baaritaanka.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay olalaha Trump, xaaladda caafimaad ee madaxweynihi hore ayaa wanaagsan, waxaase ay dhacdadani imaneysaa xilli ay kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn ay ka jirto Mareykanka, iyo sidoo kale waqti uu meel xasaasi ah marayo ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee lagu wado in ay dhacdo 5-ta bisha November ee sannadkaan.

Doorashadaas ayaa waxaa ku loollami doona, madaxweynaha xiligan Joe Biden oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo Jamhuuri ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Nigeria oo xirtay wasiir hore oo dhuumaaleysi ku jiray ka dib markii xukun musuqmaasuq lagu riday

Hay'adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee Nigeria ayaa sheegtay inay...

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Wafdi Sare oo socda Mareykan Ah

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garoowe...

UK oo xaqiijisay taageerada Amniga Soomaaliya Kadib Kulan ka dhacay Muqdisho

Dowladda Ingiriiska ayaa markale muujisay taageeradeeda ku aaddan amniga...

Maxay ka wadahadleen RW Xamsa iyo Safiirka cusub ee Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa...

Jaamacadda Carabta oo ka digtay khatarta ka dhalan karta xiriirka Somaliland iyo Israel

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si adag uga hadlay wararka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles