Wednesday, July 30, 2025

Qarax dad badan lagu dilay oo ka dhacay duleedka Balcad

Qarax miino ayaa saakay haleelay gaari nuuca rakaabka ah oo ay ku safrayeen dad shacab ah ,  kaa oo marayay xulliga uu qaraxa haleelay deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa la kacay gaari nuuciisa lagu sheegay caasi ama Homy, waxaana gaariga oo ka yimid dhinaca magaalada Jowhar kuna soo jeeday magaalada Muqdisho saarnaa 11-qof oo rakaab ah una badnaa dumar.

Inta la xaqiijiyay qaraxa miino waxaa ku dhintay 4 qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga miinada haleeshay, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay tiro kale oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga qaraxa la kacday.

Al Shabaab ayaana lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qaraxa miino ee la kacay gaariga shacabka saarnaayeen, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ay kooxda Al Shabaab kasoo saareen qaraxan miino ee maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli wali dadka Soomaaliyeed ka murigeysan yihiin weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaa oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo nasiino iyo dalxiis u tagay xeebta Liido.

WARARKII KALE

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles