Saturday, June 14, 2025

Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Xalay Liido lagu qaaday oo korortay

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerarkii Al-Shabaab ay xalay ku qaaday Liido, waxaana ay sheegtay in uu ka dhashay qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhimashada ayaa gaartay ku dhawaad 40 qof halka dhaawacana uu yahay toddobaatameeyo, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee lahga helayo goobaha caafimaadka.

Waxaa la sheegay inay soo korortay dhimasho hor leh, waxaana Cusbitaalada ku dhintay dad markii hore dhaawac ahaan loo geeyay, taasi oo keenaysa inay sii kororto dhimashada, waxaana wali laga dayrinayaa xaaladda Caafimaad ee bukaanada qaar.

Qaraxii xalay ka dhacay Xeebta Liido ayaa ah qarixii ugu khasaaraha badnaa marka loo eego qaraxyadii dhawaanahaan ka dhacayay Caasimadda, waxaana ku dhintay dhalinyaro badan oo u soo damaashaad tagay Xeebta.

Masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda ayaa ka hadlay weerarkii xalay, waxaana dhammaantood ay tacsi u direen ehelada dadkii xalay ku nafwaayay Qaraxa.

Weerarka kadib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha X.J.F.S, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii AS ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles