Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga Gen. Cabdirisaaq Afgaduud, oo ka tirsan hoggaanka caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed, loogu xiray walxo qarxa xilli uu ku jiray masaajid.
Qaraxa ayaa dhacay markii uu sarkaalka ku soo laabtay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Hotel Global.
Goobjoogayaal iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyay in qaraxa uusan sababin wax khasaare nafeed ah.
Ciidamada amniga ayaa si degdeg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaanno.
Xaaladda goobta ayaa haatan degan, waxaana dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd.


