Soomaaliya oo ku biirtay dalalka cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed

Soomaaliya ayaa ku biirtay in ka badan 100 dowladood iyo ururo caalami ah oo soo saaray bayaan wadajir ah oo si adag u cambaareynaya tallaabooyinka ay Israa’iil ka waddo dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Bayaankan oo ay taageereen dalal badan iyo ururo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, ayaa lagu sheegay in go’aannada dhinac keliya ah ee lagu ballaarinayo degsiimooyinka ay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah isla markaana ay wiiqayaan dadaallada nabadeed.

Qodobada ugu muhiimsan ee bayaanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa in si adag loo cambaareeyay ballaarinta deegaanmeynta yo ku-darista dhul cusub.

Waxaa la diiday tallaabo kasta oo wax ka beddeleysa qaab-dhismeedka demograafiyadda dhulka Falastiiniyiinta.

Waxaa la adkeeyay in tallaabooyinkaas ay carqaladeynayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaa la taageeray xaqa shacabka Falastiin ee is-go’aaminta.

Bayaanku wuxuu sidoo kale ku celiyay in xalka laba dowladood oo ku dhisan xuduudihii 1967 uu yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta, iyadoo labada dal ay ku wada noolaanayaan nabad iyo amni.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee bayaankan ayaa muujinaya mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo taageerada xal nabadeed oo waara.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles