Qaraxyo Al Shabaab diyaariyeen oo la fashiliyay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgalaya bariga gobolka Galgaduud, ayaa fashiliyay qaraxyo miino oo ay diyaariyeen kooxda Al Shabaab , qaraxyadaasi ayaana la doonayay in waxyeelo loogu geesto ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Qaraxyo miino oo kooxda Al Shabaab ku aaseen waddooyin xiriiriya deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud, ayey ciidamada ku guuleesteen in ay fashiliyaan ayna goobihii lagu aasay kasoo saaraan moonooyinkaasi.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka miinooyinkan lagu soo saaray ayaa sheegay in ay fashiliyeen dhagartii ay kooxda Al Shabaab la maaganaayeen ciidanka xoogga iyo waliba dadka deegaanka.

Al Shabaab ayaana inta badan miinooyin ku aasa waddooyinka ay isticmaalaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, waxa ay sidoo kale kooxdan miinooyin ku aasaan waddooyinka soo gala qaarkood deegaannada ay joogaan , si aan fudeed loogu soo gaarin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles