Tuesday, July 1, 2025

R/wasaareyaashii hore ee dalka Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay waxaa ay magaalada Muqdisho kulamo gooni-gooni ah kula yeesheen xildhibaanno iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulamadan ayaa loo arkaa inay yihiin hordhac u ah shir ballaaran oo la filayo in toddobaadkan ay siyaasiyiinta mucaaradka ku yeeshaan caasimadda, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulamada iyo madaxda mucaaradka ayaa si qoto dheer uga hadlay dhinacyada ay la kulmeen xaaladda cakiran ee doorashooyinka dalka, iyo sida loo heli karo xal waara oo ka turjumaya rabitaanka shacabka.

Shirkan la filayo inuu dhaco ayaa noqon doona fursad kale oo mucaaradku isku afgartaan mowqif mideysan, iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo kulamo hoose oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaashii hore ee dalka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii kordhaan kulamada siyaasadeed, iyadoo muqdisho ay markale noqotay xarunta isku dhaca aragtiyaha siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles