Friday, February 20, 2026

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka, Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka, Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer iyo Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn: Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha, Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah, Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa...

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa sarkaal Boolis ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir...

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono...

Q.M oo ku baaqay in Tanaasul ay muujiyaan madaxda DFS iyo hoggaanka Mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles