Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan kumaandooska Danab

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa maanta gaaray xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab.

Dufcadan oo tababarkooda ku qaatay Dugsiga tababarka gaashaanle Xasan Tuure, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula kooxaha Khawaarijta ah, kuwaas oo howlgalladii ugu dambeeyay howlgalo ka soo hooyay.

Intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ayaa waxuu kormeeray cutubyada ciidamadda, isagoo dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay ciidamada Danab u leeyihiin Difaaca Dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles