Tuesday, November 25, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Angola uga qaybgalay Shirka midowga Afrika iyo midowga Yurub

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.

Shirka ayaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyada oo ay Soomaaliya halkaas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaanka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hey’adaha dowliga, dib-u-habeynta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Mudane Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah oo ay kamid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, waxa uu ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal, horumar, barwaaqo caddaalad ku dhisan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh ” Cadey inaad muwaadin Soomaaliyeed tahay”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray...

MW Xasan Sheekh “AS kaarka aqoonsiga ha qaataan hala diiwaan galiyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta...

RW Xamsa oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya dalka Marooko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Milateri Soomaaliya oo Yaaqbariweyne ka baadi goobaya rag ay xukun ku riday Maxkamada ciidamada

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed...

Ilhaan Cumar oo si adag u difaacday beegsigii Trump ee Soomaalida Minnesota

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles