Milateri Soomaaliya oo Yaaqbariweyne ka baadi goobaya rag ay xukun ku riday Maxkamada ciidamada

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa si buuxda ula wareegay amniga Deegaanka Yaaq Bari-Weyne ee hoostaga Degmada Wanla-weyn, kadib howlgallo qorsheysan oo lagu xaqiijinayay amniga iyo fulinta sharciga.

Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa fasaxay gaadiid fara badan oo muddo afduub ugu haysteen deegaankaas koox hubeysan oo dhowaan maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu cirib tiro falalka amni-darrada ah ee ka jira gobolka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa kulan rasmi ah la qaatay odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka deegaanka, iyagoo kala hadlay sidii bulshada looga qeybgelin lahaa soo qabashada ragga ku xukuman dilka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumanayaan deegaanada u dhow.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana lagu wadaa in lagu ballaariyo deegaanada kale ee hoos yimaada degmada Wanla-weyn si loo xaqiijiyo ammaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles