Monday, September 1, 2025

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Garoonka Stadium Muqdisho ka furay kulan ciyaareedka Xidigaha Halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay daawashada ciyaar saaxiibitimo oo taariikhi ah, taas oo dhex martay halyeeyadii hore ee xulka Qaranka iyo kuwa Qaaradda Afrika ee kala ah Samuel Etoโ€™o, Jay-Jay Okocha iyo Emmanuel Adebayor.

Ciyaartan oo ah mid ku dhisan is-dhexgal, saaxiibtinimo dhiirrigelin, waxa ay ka tarjumaysaa rajada cusub ee uu dalka Soomaaliya nabad ah, gaar ahaan dhanka horumarinta isboortiga, waana fursad qiimayn rasmi ah loogu sameynayo in xulka Qarankeennu helo garoommo ciyaareed caalami ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee ku aaddan soo celinta sumcadda iyo awoodda ciyaaraha Soomaaliyeed, isaga oo xusay in joogitaanka xiddigaha caalamiga ah iyo madaxda isboortigu ay muujinayso soo laabashada kalsoonidii uu caalamku ku qabaan Soomaaliya ee dhanka Isboortiga.

Ciyaarta Saaxiibtinimo ee galabta ka qabsoontay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, xubin sare oo ka tirsan golaha sare ee fulinta FIFA, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jamhuuriyadda Djibouti, Madaxweynaha xiriirka bariga iyo bartamaha Afric iyo Masuuliyiin kale.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles