Thursday, October 23, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, ayaa kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, difaaca dalka, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ee dowladdu ay siisay doorka Haweenka ee siyaasadda, maamulka iyo arrimaha bulshada, isaga oo ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, difaaca, amniga, ka shaqeynta danta guud iyo dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

“Waxaa lagama maarmaan ah oo waajib ah in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, haddii kale gaari meyno Soomaaliyada aan dooneyno, gabdhaha Soomaaliyeed muhiim ayay u yihiin xaqiijinta yoolasha fog ee dalka iyo sidii wadajir loogu xoreyn lahaa dalka”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin nolosha bulshada, waxa uuna adkeeyay in dowladdu ay xoojinayso fursadaha shaqo ee Haweenka iyo ilaalinta saamigooda siyaasadeed iyo maamul ee dalka. Isaga oo intaas raaciyey in xaquuqda ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed ay ku dhammeystirmi karto marka la xaqiijiyo xuquuqda muwaadinku u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

Kulanka oo ciwaankiisu ahaa Difaac iyo Doorasho, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta Amniga iyo Nabadda Haweenka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka , Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudanayaal ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka iyo haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles