Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta, si uu wadahadallo dheeraad ah uga yeesho dagaalka Iiraan.
Imaatinkiisa ayaa yimid iyadoo xabad joojintii Mareykanka iyo Iiraan ay caqabad ka taagan tahay – iyadoo Iiraan ay sheegtay in weerarrada socda ee Israa’iil ee ka dhanka ah Lubnaan ay yihiin “xadgudub weyn” oo ka dhan ah heshiiska la gaaray.
Starmer ayaa horey dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman kula kulmay magaalada Jeddah, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.


