Thursday, August 28, 2025

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ukraine ayaa mar kale la kulantay weerar culus oo dhanka cirka ah oo uu soo qaaday Ruushka iyadoo caasimadda Kyiv laga soo sheegayo in lagu duqeeyay gantaalaha ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada (Timur Tkachenko) ayaa sheegay in in ka badan labaatan goobood uu soo gaaray burbur.

Dhisme ka kooban shan dabaq ayaa dumay ka dib markii si toos ah loo weeraray, waxaana socda gurmad dadka looga soo saarayo burburka hoostiisa.

Dab ayaa sidoo kale ka kacay dhismo shan iyo labaatan dabaq ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu dab qabsaday mid ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhinteen siddeed iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ku jirtay gabar afar iyo toban jir ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 28/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Jabuuti, Amb....

Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiis Is afgarad oo ay wada saxiixdeen, Soomaaliya, Qatar, Urdun iyo Pakistan

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

RW Xamsa “Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Farmaajo oo dalbaday in la sii daayo Nabadoon Xaadoole oo ay xireen Booliska

Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed...

Booliska oo fariin adag u diray dhalinyarada isku dhiga gaadiidka Isticmaala Wadooyinka

Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles