Thursday, March 5, 2026

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ukraine ayaa mar kale la kulantay weerar culus oo dhanka cirka ah oo uu soo qaaday Ruushka iyadoo caasimadda Kyiv laga soo sheegayo in lagu duqeeyay gantaalaha ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada (Timur Tkachenko) ayaa sheegay in in ka badan labaatan goobood uu soo gaaray burbur.

Dhisme ka kooban shan dabaq ayaa dumay ka dib markii si toos ah loo weeraray, waxaana socda gurmad dadka looga soo saarayo burburka hoostiisa.

Dab ayaa sidoo kale ka kacay dhismo shan iyo labaatan dabaq ah, waxaana lagu soo waramayaa in uu dab qabsaday mid ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhinteen siddeed iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ku jirtay gabar afar iyo toban jir ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles