Ruushka oo weerary xaruumaha tamarta Ukraine

Weerar Ruushku ku qaaday magaalada dekedda koonfureed ee Odesa ee Ukraine ayaa sababay dab ka kacay goobaha dekedda iyo kaabayaasha tamarta, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka degdegga ah Isniinta maanta ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oleksii Kuleba ayaa ku qoray kanaalka Telegram-ka weerarku wuxuu waxyeeleeyay xarumaha dekedda iyo dhowr maraakiib.

“Mid ka mid ah dekedaha ayaa la kulmaya koronto la’aan, khubaro ayaa durba ka shaqeynaya sidii loo soo celin lahaa korontada,” ayuu yiri.

Weerarka ayaa korontada ka jaray36,500 oo qoys, sida ay sheegtay shirkadda tamarta gaarka loo leeyahay ee Ukraine DTEK . Qiyaastii 32,500 oo qoys ayaa koronto la’aan ahaa ilaa subaxdii.

DTEK ayaa soo sheegtay burbur weyn oo soo gaaray qalabkeeda ka dib weerarkii habeenkii oo dhan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Telegram.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles