Wednesday, March 11, 2026

RW Xamsa oo kulan la qaatay guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta oo halis ku ah amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles