Wednesday, August 12, 2026

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay La-taliye Sare, ahna Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Mudane Talaal Binu Rashiid Al-Hajri.

Wafdiga oo dalka u joogay arrimo la xiriira maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo dhanka caafimaadka, isla markaana shalay heshiis dhinacyo badan ah la saxiixday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa salaan sharafeed ugu yimid Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo la wadaagay farriimo ay ka wadeen madaxda dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wafdiga, oo uu wehliyay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi uga warbixiyay horumarrada waaweyn ee Dowladda Federaalka ay ka samaysay dhinacyada amniga, kor u qaadista dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha, isaga oo sidoo kale bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqeyn lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda...

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed oo muhiim ah ka wada Nairobi

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan...

DF oo cambaareysay aqoonsiga Kolombiya ee Madax banaanida Israel ee Buuraha Golan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka...

Maamulka KGS oo Guddoomiyaha Baydhabo u Magacaabay Ibraahim Kalaay oo Laftagareen ka soo goostay

Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, oo dhowaan ka soo goostay...

MSF oo Digniin Culus ka Soo Saaray Nafaqo-darrada Soomaaliya

MSF oo Digniin Culus ka Soo Saaray Gaajada Hay’adda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles