RW Xamsa oo maanta gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo xukuumadda ka fulinayso hawlo adeeg bulsho iyo kuwa horumarineedba.

Hoggaanka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan ayaa si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha, xilli maamulka ku jiro maalmaha dabaaldegga sanad-guuraddii koowaad ee asaaska Waqooyi Bari Soomaaliya.

Xamsa oo garoonka kula hadlay dad tiro badan oo soo dhoweyntiisa isugu soo baxay ayaa yiri “ Waan idiinka mahadcelinayaa soodhoweyntiina , waxaanan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sanad guurada asaaska maamulka”.

Qaar ka mid ah wasaaraddaha xukuumadda ayaa Waqooyi Bari ka furi doona adeegyo bulsho.

Ra’iisui Wasaare Xamse ayaa hoggaanka Waqooyi Bari kala qeybgali doonna kulan dadweyne oo loogu dabaaldegayo sanad-guurada koowaad ee asaaskii maamulka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles