Saturday, February 21, 2026

RW Xamsa oo tagay xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso.

“Waa guul in Shacabka Soomaaliyeed xaquuqdoodii u soo laabatay oo ay codkooda ku dooranayaan cidda ay rabaan, dadka leh doorasho qof iyo cod ah dalkaan kama dhici karto, waxaa beeninaya dadkaan safafka ku jira oo muujiyey in ay diyaar u yihiin in aysan marti ka noqon go’aannadooda masiiriga ah“. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay goobta la isku diiwaangelinayo ee degmada Shangaani, ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay is diiwaan-geliyaan, si ay u helaan xuquuqda ay u leeyihiin in codkooda ay ku doortaan cidda ay doonayaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay doorashada tooska ah ee dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadani ay meesha ka saareyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee dadbanaa, kaas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dhaafinayey.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa...

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa sarkaal Boolis ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir...

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono...

Q.M oo ku baaqay in Tanaasul ay muujiyaan madaxda DFS iyo hoggaanka Mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles