Sunday, June 1, 2025

RW Xamsa oo tagay xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso.

“Waa guul in Shacabka Soomaaliyeed xaquuqdoodii u soo laabatay oo ay codkooda ku dooranayaan cidda ay rabaan, dadka leh doorasho qof iyo cod ah dalkaan kama dhici karto, waxaa beeninaya dadkaan safafka ku jira oo muujiyey in ay diyaar u yihiin in aysan marti ka noqon go’aannadooda masiiriga ah“. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay goobta la isku diiwaangelinayo ee degmada Shangaani, ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay is diiwaan-geliyaan, si ay u helaan xuquuqda ay u leeyihiin in codkooda ay ku doortaan cidda ay doonayaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay doorashada tooska ah ee dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadani ay meesha ka saareyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee dadbanaa, kaas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dhaafinayey.

 

WARARKII KALE

Israa’iil oo wasiirrada Carabta ka hor istaagtay inay tagaan Gaza

Dowladda Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Xildhibaano Cusub oo maanta lagu doortay Jowhar

Waxaa xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle lagu qabtay doorasho dib-u-buuxin ah...

Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Taliskii ugu weynaa ee Daacish ku laheyd Ceelka Miraale

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay Taliskii ugu...

Dhisme ku dumay Degmada Howlwadaag iyo Dad Badan oo Khasaaro soo gaaray

Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka...

Duqeyn lala beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Shabeelada Hoose iyo Jubbada Dhexe

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo waxaa ay ka fuliyeen deegaano...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles