Thursday, November 13, 2025

RW Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray maagalada Kismaayo

Ra’isul Wasaataha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xiran dareeska ciidanka xoogga dalka, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka oo horey u gaaray Kismaayo, xubno katirsan labada gole ee maamulka Jubbaland iyo saraakiil ciidan ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iaul Wasaare Xamse iyo xubnaha la socday.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u tagay magaalada Kismaayo dhiirogalinta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee guulaha waa weyn ka gaaray dagaallo maalmo kahor la galeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

Xamse Barre ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo la kulmi doona Madaxweynaha Jubbalabd iyo masuuliyiin kale, waxaana laga yaabaa in uu booqdo xeryo ciidan iyo xarumo kale oo kuyaalla magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda Dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha wadooyinka Dekedda

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir...

Hay’ada WHO oo war ka soo saartay cudurka ka dilaacay Itoobiya

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay u...

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Farmaajo oo muddo seddex sano ah kadib dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles