RW Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray maagalada Kismaayo

Ra’isul Wasaataha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo xiran dareeska ciidanka xoogga dalka, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka oo horey u gaaray Kismaayo, xubno katirsan labada gole ee maamulka Jubbaland iyo saraakiil ciidan ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iaul Wasaare Xamse iyo xubnaha la socday.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u tagay magaalada Kismaayo dhiirogalinta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee guulaha waa weyn ka gaaray dagaallo maalmo kahor la galeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

Xamse Barre ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo la kulmi doona Madaxweynaha Jubbalabd iyo masuuliyiin kale, waxaana laga yaabaa in uu booqdo xeryo ciidan iyo xarumo kale oo kuyaalla magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles