Tuesday, September 23, 2025

Saciid Deni oo Boosaaso kula kulmay Safiirka Mareykanka iyo Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha  Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada , Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda.

Inta ay socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 22/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixanaya Heshiiska Iskaashiga difaaca

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil...

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Saraakiil sare oo Mareykan ah

Madaxweynaha  Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kulan...

Askari ka tirsan DFS oo darawal ku dilay Kaaraan

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada...

Maxaa looga hadlayaa shirka Golaha Ammaanka ee Q.M ee Furmaya Mareykanka?

Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa maanta si...

Soomaaliya oo soo dhaweysay taageerada Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysey dhambaal ka soo baxay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles