Xildhibaanada Mucaaradka oo MW Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe ku eedeeyay inay Afduubteen Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad iyo dastuur waafaqsanayn.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe in ay ku guuldarreysteen ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka, ayna horseedeen khilaaf siyaasadeed, musuq-maasuq, iyo kala qaybin bulsho.

Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, Golaha Samata-bixinta wuxuu bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, iyo beesha caalamka ugu baaqay in aysan aqoonsan natiijooyinka ka dhasha kalfadhiga 7-aad, islamarkaana ay cadaadis ku saaraan hoggaanka dowladda iyo baarlamaanka si loo ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in fashilka kalfadhiga 7-aad uu caddeyn u yahay in Baarlamaanka Soomaaliyeed uusan ka shaqeyneyn danaha shacabka, ayna lama huraan tahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo sharciga iyo dimoqraadiyadda dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles