Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha madax-furashada ah ee la siiyo kooxaha burcad-badeedda ah ee maraakiibta ku haysta xeebaha Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa lagu sheegay in bixinta dhaqaale loo diro kooxaha burcad-badeedda ay sii xoojin karto, isla markaana dhiirrigelin karto falalka burcad-badeednimada.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in falalka burcad-badeednimada ay hurinayaan kooxo ay ku tilmaantay kuwo doonaya inay wax u dhimaan sumcadda Puntland, balse wasaaraddu aysan magacaabin kooxahaas.
Maamulka Puntland ayaa horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu eedeeyay inay door ku leedahay arrimo la xiriira amniga iyo burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Puntland, eedeymahaas oo dowladda federaalku horay u beenisay.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegay in xeebaha Puntland lagu hayo lix markab, iyadoo kooxaha qafaashay maraakiibtaasi ay dalbanayaan lacago madax-furasho ah oo gaaraya malaayiin doolar.
Puntland ayaa ku adkeysatay in bixinta lacagaha madax-furashada aysan ahayn xal waara, balse ay abuuri karto dhiirrigelin cusub oo horseedda afduubyo iyo weerarro kale oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya.


