Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ka hadlay dhul-boobka, barakicinta iyo burburinta guryaha ka socota xaafadda Raadeerka ee degmada Dayniile, isaga oo digniin adag u diray saraakiil uu ku eedeeyay inay falalkaasi ka dambeeyaan.
Kheyre ayaa sheegay inuu cambaareynayo waxa uu ku tilmaamay xasuuq, dhul-boob iyo barakicin ay xaafadda Raadeerka ka wadaan Mahdi Cumar Muumin iyo Yaasiin Nuur Kheyre (Ganeey), kuwaas oo uu ku eedeeyay inay dadka deegaanka u geysanayaan dil, dhac iyo dhaawac.
Wuxuu sheegay inay nasiib-darro tahay in saraakiil loo carbiyay difaaca nafta iyo hantida shacabka ay ku kacaan falal uu ku tilmaamay burcadnimo, dhiigga shacabka lagu daadinayo, dadka danyarta ahna guryahooda looga barakicinayo.
Kheyre ayaa si gaar ah ugu baaqay Mahdi Cumar Muumin iyo Yaasiin Nuur Kheyre inay joojiyaan falalka uu ku eedeeyay, kana waantoobaan barakicinta shacabka iyo boobka guryaha ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waxaan xusuusinayaa in lagula xisaabtami doono gaboodfallada ay kula kacayaan nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa kusoo aadaya iyadoo cabashooyin iyo eedeymo la xiriira muranka dhulka, burburinta guryaha iyo barakicinta shacabka ay ka socdaan qaybo ka mid ah degmada Dayniile, kuwaas oo dhaliyay falcelin xooggan oo siyaasadeed iyo mid bulsho.


