Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurtagalnimada in uu amro in dagaalka Iran dib loo bilaabo, haddii wadaxaajoodyada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ay horumar sameeyaan, isla markaana dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.
Trump ayaa hadalkan ku celceliyay shan jeer intii uu socday wareysi uu siiyay telefishinka CNN.
Waxa uu sheegay in go’aankaasi ku xirnaan doono in Iran ay saxiixdo heshiis adag iyo in kale, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uu dib u bilaabi karo weerarrada haddii loo baahdo, balse uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay Iran hore u gaarsiiyeen duqeymo culus.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ee gobolka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada milatari haddii amar la siiyo.
Waxa uu sheegay in saddex markab oo diyaaradaha dagaalka qaada ay hadda gobolka ku sugan yihiin, mid kalena uu dhowaan halkaas gaaray.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla gudaha Iran oo la beegsan karo haddii dagaalku dib u qarxo, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarumaha korontada iyo buundooyinka.
Waxa uu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday 38 buundo oo uu sheegay in lagu burburin karo muddo hal saac gudahood ah.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha Iran, isaga oo xusay in dib u dhiskoodu qaadan karo ilaa toban sano.
Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in awoodda gantaallada Iran ay hadda tahay boqolkiiba 10 oo keliya, halka awooddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay ka hartay boqolkiiba 15.


