Saddex kamid ah ciidanka dab damiska Giriigga oo ku geeriyoodaay dabka Keymaha

Saddex ka mid ah dab-demiyeyaasha Giriigga ayaa ku geeriyooday iyagoo la tacaalaya dababka kaymaha ee ka kacay jasiiradda Kereetee (Crete) iyo gacanka Peloponnese.

Dabeylo xooggan ayaa sii huriyay ololka dabka Jasiiradda Kereetee, taasoo sababtay in dadka laga daadgureeyo dhowr tuulo.

Laba dab-demiyeyaal ah ayaa halkaas ku dhintay kaddib markii ay dabku ku go’doomiyeen xilli uu ku fiday gobolka Rethymno ee galbeedka jasiiradda.

Dhanka kale, dab-demis kale ayaa geeriyooday kaddib markii isagoo miyir beelay laga helay meel u dhow magaalada dekedda ah ee Gytheio, oo ku taalla koonfurta gacanka Peloponnese.

Mowjaddii afraad ee kulaylaha daran ee xagaagan ayaa ka billowday dalalka Isbaanishka iyo Faransiiska, halkaas oo dab-demiyeyaashu ay ku dadaalayaan inay ka hortagaan in dabab waaweyn oo dhawaan la xakameeyay ay mar kale dib u holcaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhowr dab ay ka qarxeen jasiiradda Kereetee, kuwaas oo si xawli ah u fiday. Dabka ugu weyn ayaa ku fiday dhul gaaraya ilaa 15 kiiloomitir.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles