Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka Gaashaandhigga nudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheikh Muxudiin.diblumaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socday dowladda Turkiga, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jabinayeen saraakiil muddo tababar uga socda xerada Turksom.

Saraakiisha iyo macallimiinta Turkiga ee ciidanka tababarka siinayay ayaa sheegay in cutubka dharaartan qalin-jabiyay ay yihiin kuwo tayo iyo carbis wanaagsan leh oo kaalin mug leh ka qaadan doona nabad-galyada dalka, islamarkaana ay sii wadi doonaan layliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyay qaar kamida ah saraakiishii kaalimaha hore ka gashay tababarka, wuxuuna ku bogaadiyey dhabar adayga ay muujiyeen mudadii uu dhibowgu u socday.

Ciidanka uu Turkigu tababaro ayaa kamid ah kuwa ugu tayada iyo qalabka wanaagsan xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna kaalin weyn ku leeyihiin dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee dalka ka socda.

WARARKII KALE

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles