Senator Ilyaas Badal Gaboose, oo maanta safar caafimaad ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, ayaa ka warbixiyay wada-hadalladii iyo heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii muddoyinkii ugu dambeeyay ee u dhexeeyay isaga iyo Dowladda Jubbaland.
Senatarka ayaa sheegay in khilaafkaasi, oo socday muddo ku dhow sanad iyo bilo, uu hadda si rasmi ah ku dhammaaday is-afgarad iyo wada-tashi, taasoo horseeday in la gaaro xal waara oo ku saleysan danaha shacabka.
“Waxaan muddo sanad iyo bilo ah joogay magaalada Kismaayo kadib khilaaf na dhexmaray aniga iyo Dowladda Jubbaland, balse maanta waan ku faraxsanahay in arrintaas lagu dhammeeyay wadahadal iyo isfaham,” ayuu yiri Senator Ilyaas.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in wakhtigan ay shacabka reer Jubbaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo, wadajir, iyo isu-tanaasul, si loo xoojiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Senator Gaboose ayaa xusay in horumarka iyo nabadda lagu gaari karo oo keliya marka la helo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya hoggaanka, siyaasiyiinta, iyo bulshada.
Dhanka kale, wuxuu baaq u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ku boorriyay inay u midoobaan ka hortagga abaaraha, dhibaatooyinka bini’aadannimo, iyo caqabadaha kale ee waaweyn ee dalka horyaalla.
Safarkiisa caafimaad ayaa lagu sheegay mid qorsheysan, waxaana la filayaa in uu dib ugu soo laabto dalka kadib marka uu soo dhammeeyo daaweyntiisa.
Senator Ilyaas Badal Gaboose ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay mudnaanta siiyaan wada-hadal, is-ixtiraam, iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.


