Dagaal xooggan oo ka socda Baydhabo

Dagaal culus ayaa saaka markale ka qarxay magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib markii iska horimaadyo xooggan ay ka bilowdeen ugu yaraan afar goobood oo kala duwan oo magaalada ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday kadib markii ciidamo taabacsan Madaxweyne Laftagareen ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo lagu eedeeyay inay dhibaato ku hayeen bulshada ku nool Baydhabo.

Waxaa durba la soo warinayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada rasmiga ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka maanta uu ka xoog badan yahay kii shalay, iyadoo la isticmaalayo hub culus.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada Koofur Galbeed iyo sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Nishow oo ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Dhinacyadan ayaa waxaa uu dagaalkooda salka ku hayaa dhul ku yaala magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, Koofur Galbeed ayaa ka hadashay dagaalkii shalay iyo xalay dhacay, waxaa ayna sheegtay in ciidamada amniga Baydhabo fuliyeen howlgal ballaaran oo lagu baacsanayo maleeshiyaad dhibaato ku hayay shacabka.

Xaaladda guud ee Baydhabo ayaa weli kacsan, waxaana hakad galay ganacsigii iyo isu socodkii dadka, iyadoo dad badan ay ku xayiran yihiin guryahooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles