Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Kuwait?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefanka kulan kula yeeshay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait Mudane Sheekh Jarraah Jaaber Al-Axmad Al-Sabah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Wasiirka cusub ee Kuwait ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad celiyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay Dowladda Kuwait mar walba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta kulammada diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles