Maxay ka wadahadleen Soomaaliya iyo Kuwait?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefanka kulan kula yeeshay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait Mudane Sheekh Jarraah Jaaber Al-Axmad Al-Sabah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Wasiirka cusub ee Kuwait ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad celiyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay Dowladda Kuwait mar walba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta kulammada diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles