Shan qof oo ku dhintay doon dab ka kacay dalka Indonesia

Shan qof ayaa dhintay, 41 kalena waa la la’yahay ka dib markii doon rakaab oo siday in ka badan 250 qof uu dab qabsaday iyadoo ku socota badda dalka Indonesia.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gurmadka, kabtanka markabka ayaa soo sheegay dabka xilli ay marayeen meel u dhow jasiiradda Madura, iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Surabaya ee gobolka East Java kuna sii jeeday Makassar oo ku taal Koonfurta Sulawesi.

Sawirro ay baahiyeen warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay rakaab badan oo xiran jaakadaha badbaadada (life jackets) kuwaas oo ku sugnaa doonyaha badbaadada iyagoo sugaya caawimaad.

Muuqaallo kale ayaa muujinayay dad ka degaya markabka, iyadoo la arkayay olol xooggan iyo qiiq cufan oo ka baxaya qaybta sare ee markabka.

Hay’adda Qaranka ee Gurmadka Indonesia (Basarnas) ayaa sheegtay in dabku uu billowday inta u dhaxaysay saacadaha 12:00 iyo 1:00-kii habeenimo (waqtiga GMT).

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qayb weyn oo ka mid ah markabka uu dabku qabsaday, iyadoo rakaab qaarkood ay ku sugnaayeen qaybta hore ee markabka iyagoo sugaya in la badbaadiyo.

Sababta keentay dabka weli lama oga, iyadoo hawlgalka lagu raadinayo dadka la la’yahay uu weli socdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles