Thursday, February 26, 2026

Shiinaha oo ka hadlay weerarki ay Hindiya ku qaaday Pakistan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa “wax laga shalaayo” ku tilmaantay weerarrada cirka ee Hindiya ay ka fulisay gudaha Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho .

Wasaaradda oo dhanka kale wax laga weydiiyay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, ayaa afhayeenka wasaaradda sheegay inay “ka welwelsan yihiin” xaaladda haatan ka jirta labada dal.

“Hindiya iyo Pakistan waa deris weligoodna deris ayay ahaan doonaan. Waxayna sidoo kale labaduba deris la yihiin Shiinaha. Shiinuhu wuxuu ka soo horjeedaa dhammaan noocyada argagixisada.” Ayay intaa ku dartay wasaaradda.

Afhayeenka wasaaradda ayaa ugu baaqay labada dal inay “xaaladda dejiyaan, samirna muujiyaan, isla markaana kana fogaadaan tallaabooyin kale oo sii carqaladeyn kara xaaladda.”

Subaxnimadii Arbacada maanta, taliyaha milatariga Hindiya, Colonel Sophia Qureshi ayaa shir jaraa’id ku sheegtay, in ciidamada qalabka sida ee Hindiya ay xalay bilaabeen hawlgalka ay ugu magac dareen ‘Sindoor’

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid...

Baarlamanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare...

Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka,...

Madaxweynaha Soomaaliland oo dhawaan la filayo inuu tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dabayaaqada bisha Maarso...

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles