Saturday, February 14, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,  Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah kulan la yeeshay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen hababka lagu horumarin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan leh.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale falanqeeyay fursadaha istiraatiijiga ah ee labada dal uga faa’iideysan karaan iskaashi dheeraad ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo gargaarka bani’aadannimo.

Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa muujiyay sida dowladda Turkiga ay uga go’an tahay sii wadida taageerada ay u fidiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Turkigu u arko Soomaaliya inay tahay saaxiib dhow oo muhiim ah.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo hirgelinta mashaariic cusub oo lagu kobcinayo iskaashiga labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu tanaasul la yimaado

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay Itoobiya

Shir.madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta ka fumay...

Baarlamaanka Soomaaliya oo sii wadaya doodda wax ka beddelka Dastuurka

Xildhibaanada muxaafadka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles