Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Safiirka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,  Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah kulan la yeeshay Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen hababka lagu horumarin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan leh.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale falanqeeyay fursadaha istiraatiijiga ah ee labada dal uga faa’iideysan karaan iskaashi dheeraad ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo gargaarka bani’aadannimo.

Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa muujiyay sida dowladda Turkiga ay uga go’an tahay sii wadida taageerada ay u fidiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in Turkigu u arko Soomaaliya inay tahay saaxiib dhow oo muhiim ah.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad guud oo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo hirgelinta mashaariic cusub oo lagu kobcinayo iskaashiga labada dal.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles