Tuesday, August 11, 2026

Kulanka Golaha shacabka oo maanta Kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday kadib markii kooramkii loo baahnaa uusan dhameystirmin. Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), waxaa kaliya soo xaadiray 120 xildhibaan, halka kooramku u baahan yahay ugu yaraan 139 mudane.

Guddoomiyuhu wuxuu si kulul ugu baaqay xildhibaanada maqnaa in ay xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay waqti hore u yimaadaan fadhiyada, si howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha looga doodo oo go’aanno loogu gaaro.

“Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha sababo la xiriira maqnaanshaha xildhibaano aan muujin xilkasnimo. Waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan xildhibaanada aan joogin in ay waajibaadkooda gutaan oo ay si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golaha,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles