Kulanka Golaha shacabka oo maanta Kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday kadib markii kooramkii loo baahnaa uusan dhameystirmin. Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), waxaa kaliya soo xaadiray 120 xildhibaan, halka kooramku u baahan yahay ugu yaraan 139 mudane.

Guddoomiyuhu wuxuu si kulul ugu baaqay xildhibaanada maqnaa in ay xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay waqti hore u yimaadaan fadhiyada, si howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha looga doodo oo go’aanno loogu gaaro.

“Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha sababo la xiriira maqnaanshaha xildhibaano aan muujin xilkasnimo. Waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan xildhibaanada aan joogin in ay waajibaadkooda gutaan oo ay si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golaha,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles