Saturday, August 8, 2026

Xisbi cusub oo maanta lagu dhawaaqayo Muqdisho iyo Lafta gareen oo saluugsan

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho loogu dhawaaqo xisbiga Caddaalada iyo Wadajir, kaasi uu horboodayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ku dhawaaqista xisbi siyaasadeed cusub oo loogu magac daray Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa waxaa uu badeli doonaa xisbigii hore ee  UPD.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamaac ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ku ku sheegay in dalka uu maanta yeelan doono xisbi weyn oo ay u dhan yihiin Soomaalida oo dhan.

“Dalka wuxuu yeelanaayaa Xisbi weyn ilaahaa weyne oo ay Soomali ku dhantahay Sidoo kale kaftan ahayn sidii kuwii hore inta Shacabka loo sheegey hadana runoowi waayey. ,Waa taariikh ugub ah in Xisbiga talada haya wuxuu balan qaadey ka run sheegaayo oo hadana fulintiisa u diyaar ah.Doorasho dadban waa la duugey.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbigan ayaa waxaa ku jiro madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada sida Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed,, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, iyo siyaasiyiin kale oo miisaan leh.

Inkasta oo xisbiga lagu dhawaaqayo maanta, hadana saluug xooggan ayaa laga muujiyay qaab dhismeedka awood qeybsiga xisbiga. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in weli muujinaya tabasho la xiriirta sida loo qeybiyay xilalka maamulka xisbiga, isagoo aan weli si buuxda u taageerin qaabka loo wado dhismaha.

Waxaana laga cabsi qabaa in haddii uu ku qanci waayo madaxweyne Lafta Gareen, hanaanka uu wax u wado madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu laaban doono magaalada Baydhabo.

Guddiga qaban-qaabada shirweynaha ayaa horey u daabacay casuumaadda rasmiga ah ee loogu talagalay wakiillada ka kala socda dowlad goboleedyada, dowladda dhexe, ururrada bulshada, iyo daneeyayaasha siyaasadda.

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa noqonaya wajigii labaad ee siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu mar kale xukunka dalka qabtay 2022. Inkasta oo la filayo in xisbiga noqdo mid saamayn leh marka la eego culayska siyaasadeed ee xubnaha ku jira, hadana caqabado iyo khilaafaad ka dhex jira madaxda dowlad-goboleedyada ayaa dhabar-jabin kara mideynta dhab ah ee xisbiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles