Friday, November 7, 2025

Xisbi cusub oo maanta lagu dhawaaqayo Muqdisho iyo Lafta gareen oo saluugsan

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho loogu dhawaaqo xisbiga Caddaalada iyo Wadajir, kaasi uu horboodayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ku dhawaaqista xisbi siyaasadeed cusub oo loogu magac daray Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa waxaa uu badeli doonaa xisbigii hore ee  UPD.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamaac ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ku ku sheegay in dalka uu maanta yeelan doono xisbi weyn oo ay u dhan yihiin Soomaalida oo dhan.

“Dalka wuxuu yeelanaayaa Xisbi weyn ilaahaa weyne oo ay Soomali ku dhantahay Sidoo kale kaftan ahayn sidii kuwii hore inta Shacabka loo sheegey hadana runoowi waayey. ,Waa taariikh ugub ah in Xisbiga talada haya wuxuu balan qaadey ka run sheegaayo oo hadana fulintiisa u diyaar ah.Doorasho dadban waa la duugey.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbigan ayaa waxaa ku jiro madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada sida Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed,, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, iyo siyaasiyiin kale oo miisaan leh.

Inkasta oo xisbiga lagu dhawaaqayo maanta, hadana saluug xooggan ayaa laga muujiyay qaab dhismeedka awood qeybsiga xisbiga. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in weli muujinaya tabasho la xiriirta sida loo qeybiyay xilalka maamulka xisbiga, isagoo aan weli si buuxda u taageerin qaabka loo wado dhismaha.

Waxaana laga cabsi qabaa in haddii uu ku qanci waayo madaxweyne Lafta Gareen, hanaanka uu wax u wado madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu laaban doono magaalada Baydhabo.

Guddiga qaban-qaabada shirweynaha ayaa horey u daabacay casuumaadda rasmiga ah ee loogu talagalay wakiillada ka kala socda dowlad goboleedyada, dowladda dhexe, ururrada bulshada, iyo daneeyayaasha siyaasadda.

Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa noqonaya wajigii labaad ee siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu mar kale xukunka dalka qabtay 2022. Inkasta oo la filayo in xisbiga noqdo mid saamayn leh marka la eego culayska siyaasadeed ee xubnaha ku jira, hadana caqabado iyo khilaafaad ka dhex jira madaxda dowlad-goboleedyada ayaa dhabar-jabin kara mideynta dhab ah ee xisbiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles