Shiinaha oo ka hadlay weerarki ay Hindiya ku qaaday Pakistan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa “wax laga shalaayo” ku tilmaantay weerarrada cirka ee Hindiya ay ka fulisay gudaha Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho .

Wasaaradda oo dhanka kale wax laga weydiiyay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan, ayaa afhayeenka wasaaradda sheegay inay “ka welwelsan yihiin” xaaladda haatan ka jirta labada dal.

“Hindiya iyo Pakistan waa deris weligoodna deris ayay ahaan doonaan. Waxayna sidoo kale labaduba deris la yihiin Shiinaha. Shiinuhu wuxuu ka soo horjeedaa dhammaan noocyada argagixisada.” Ayay intaa ku dartay wasaaradda.

Afhayeenka wasaaradda ayaa ugu baaqay labada dal inay “xaaladda dejiyaan, samirna muujiyaan, isla markaana kana fogaadaan tallaabooyin kale oo sii carqaladeyn kara xaaladda.”

Subaxnimadii Arbacada maanta, taliyaha milatariga Hindiya, Colonel Sophia Qureshi ayaa shir jaraa’id ku sheegtay, in ciidamada qalabka sida ee Hindiya ay xalay bilaabeen hawlgalka ay ugu magac dareen ‘Sindoor’

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles