Tuesday, November 4, 2025

Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka dhacaya

Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho ka furmay wajiga labaad ee Shirka La-tashiga Hay’adaha Dowladda Federaalka, kaasoo diiradda lagu saarayo wax ka beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka.

Shirka waxaa soo agaasimay hay’adaha dowladda ee ugu xil-saaran arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, waxaana sidoo kale ka qayb galaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka socota guddiga Baarlamaanka ee qaabilsan arrimaha Dastuurka.

Wajiga koowaad ee shirka, oo horay uga dhacay Muqdisho, ayaa si weyn loogu gorfeeyay arrimaha ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka. Wajiga labaad ee hadda furmay ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dib u eegista iyo falanqeynta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, kuwaas oo si qoto dheer loogu lafa-guri doono.

Waxaa lagu wadaa in shirka uu noqdo mid muhiim ah, iyadoo la doondoonaayo sidii loo hagaajin lahaa qodobadaas, isla markaana loo waafajin lahaa baahida iyo duruufaha hadda jira ee dalka.

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan wax ka bedelka Dastuurka ayaa sidoo kale ka mid ah xubnaha ka qeyb galaya shirka, iyagoo ka qeyb qaadanaya doodaha iyo talo bixinta ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa tallaabooyinka lagu hagaajinayo Dastuurka.

Shirka ayaa ah fursad muhiim ah oo loogu talagalay in la xoojiyo wada-tashiga iyo isla-xisaabtanka dowladda iyo hay’adaha kale ee qeyb ka ah geedi socodka wax ka beddelka Dastuurka.

WARARKII KALE

RW Xamsa”Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay...

Wadamada Carabta iyo Islaamka oo ku baaqay in ciidamada Israa’iil si degdeg ah uga baxaan Qaza

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka...

Booliska Canada oo xiray nin cadaan ah oo weeraray qoys Soomaaliyeed

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Edmonton ayaa...

Weerar lagu qaaday markab ganacsi oo marayay xeebaha Muqdisho iyo Cabsi xooggan oo ka dhalatay

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo...

Pakistan ciidamo ma u diri doontaa Qaza

Pakistan ciidan ma u diri doontaa Gaza? Afhayeenka ciidamada...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles