Saturday, June 14, 2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo kormeer ku tagay xarunta Hoggaanka Gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Gaadiidka oo xarumo ay ku howlgalaan u ah Hoggaanka Gaadiidka , Ciidanka Miino baarka iyo Guutada ilaalada Madaxda ee Boliiska katirsan .

Xarumaha uu kormeerka ku sameeyey Taliyuhu ayuu u kuur galay xaaladooda shaqo waxaana uu Warbixino dhameytiran ka dhageystay saraakiisha hogaanka u haya xarumahaa oo muhiimad gaar ah u leh Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Kormeeradan shaqo ee Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku tagayo xarumaha ay ku howlgalaan Ciidanka Boliisku ayaa salka ku haya u kuur gelidda xaaladda shaqo iyo la xisaabtanka saraakiisha hogaanka u haysa shaqooyinka loo idmaday.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Shan urur siyaasadeed oo War cusub kasoo saaray Gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

Illaa shan Urur Siyaasadeed oo dhowaan iska diiwaan geliyay...

Iran oo Golaha amaanka ee QM ka dalbatay kulan deg deg ah

Iran ayaa codsatay kulan degdeg ah oo ay yeeshaan...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay xoojinta amniga

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane Xuseen Macalin, ayaa kulan...

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday...

Mucaaradka oo ka horyimid go’aanka ay DF ku dhaliishay Beesha Caalamka

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed oo ku mideysan yihiin madaxdii hore...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles