Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taasi oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorashooyinkii taariikhiga ahaa ee sida nabadda iyo ilbaxnimada leh uga qabsoomay Galmudug, kuwaasi oo laba jeer oo xiriir ah muujiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee ku yimid codka shacabka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, dagaalka ka dhanka ah al shabaab  xoojinta dowladnimada, horumarinta dimuqraadiyeynta iyo qorshaha dalka looga hirgalinayo doorashooyin toos ah ee muwaadiniintu ku dooranayaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhageysiga iyo tixgelinta aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aan marnaba laga tanaasulkarin mabda’ shacabka soomaaliyeed dib loogu celinayo xaqooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.

WARARKII KALE

Hogaamiyaha hirshabelle  oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Guddoomiyihii maxkamdda sare ee dalka oo qaadacay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku sugan yihiin mucaaradkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Baraawe kula hadlay ciidamada la wareegay amniga magaalada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed...

AUSSOM iyo Jubbaland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee Kismaayo

Taliyaha Ku-xigeenka Qaybta Labaad ee Hawlgalka Midowga Afrika ee...

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee hayay dacwada Dastuurka cusub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles