Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, ahna ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka u qaabilsan Suuriya iyo Ciraaq, Tom Barrack, ayaa magaalada Baqdaad kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Al-Zaidi, kaas oo looga hadlay dadaallada lagu dhimayo xiisadaha gobolka iyo ka hortagga inay sii xoogaystaan.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ayuu Tom Barrack ku sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha ka taagan gobolka, loo xakameyn lahaa khilaafaadka ka hor inta aysan sii fidin, loona dooran lahaa diblomaasiyadda halkii laga adeegsan lahaa tallaabooyin sii hurinaya colaadaha.
Barrack ayaa carrabka ku adkeeyay in dalalka gobolka ay iyagu hormuud ka noqdaan xallinta caqabadaha amni ee ka jira deegaankooda, halka Mareykanku uu taageero dadaalladaas, balse uusan beddel u noqon karin mas’uuliyadda dalalka gobolka.
“Mas’uuliyaddaas waxaa marka koowaad leh dalalka gobolka iyo deriska diyaar u ah inay iyagu mas’uul ka noqdaan ammaankooda iyo mustaqbalkooda. Mareykanku waa saaxiib taageeraya, mana aha cid beddelaysa doorkooda,” ayuu yiri Barrack.
Sidoo kale, ergeyga Mareykanka ayaa ammaanay habka ay Ciraaq u wajahdo arrimaha amniga gobolka, isaga oo xusay in Washington ay dadaal ku bixineyso xoojinta xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee kala dhexeeya Baqdaad.
Kulankan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha Bariga Dhexe, lagana hortago in khilaafaadka gobolka ay isu beddelaan iska horimaadyo hor leh.


