Warbaahinta laga leeyahay Mareykanka, Axios, oo soo xiganaysa ilo Carbeed, ayaa sheegay in saacadihii dambe ee Talaadada in wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan la filayo inuu ka dhaco dalka Cumaan maalinta Jimcah ah.
Wakaaladda wararka, oo soo xiganaysa ishaas, ayaa intaas ku dartay, in maamulka Donald Trump uu ogolaaday codsiga Iiraan ee ah in wadahadallada laga wareejiyo Turki goo loo wareejiyo dalka Cuman.
Ilo wareedkaas ayaa sidoo kale intaa ku daray, in ay socdaan wadahadalladu ku saabsan in dalalka Carabta iyo Muslimiinta ee gobolka ay ku biiri doonaan wadahadallada ka dhacaya Cumaan iyo in kale.
Dhanka kale, warbaahinta ee Bariga Dhexe ayaa sheegtay in kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu iyo ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan barigadhexe, Steve Witkoff, uu soo dhammaaday.
Sida uu sheegay warbixintu, Raiisul Wasaaraha Israa’iil ayaa kulanka uu la yeeshay Witkoff ku yiri: “Tehran marar badan ayay muujisay in ballanqaadyadeeda aan lagu kalsoonaan karin.”


